DEG DEG: Weerar is qarxin ah iyo mid toos ah oo lagu qaaday Hotel Ambassador ee Muqdisho

0
413

Muqdisho(INO)— Weerar isugu jiray is miidaamin iyo mid toos ah ayaa goor dhow oo galabta casir liiqii ah lagu qaaday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in weerarka oo ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray afaafka hore ee Hotelka, kaasoo ahaa mid xoogiisa laga maqlay magaalada Muqdisho oo dhan.

Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay gudaha Hotelka u galeen, kadib qaraxa marka uu dhacay, waxaana la maqlayaa rasaas aad u xoogan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa durbaba gaaray Hotelka uu weerarka ka socdo, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay weerarkan.

Al-Shabaab ayaa sanadkii la soo dhaafay weeraro ku qaaday Hotelo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo hotelada ay yihiin kuwo ay degaan Saraakiisha, Xildhibaanada, Mas’uuliyiinta dowladda iyo dadka qurbaha ka yimaada.

Weerarka lagu qaaday Hotelka Ambassador ayaa ku soo aadaya, iyadoo labo maalmood kadib la filayo inuu Muqdisho booqasho ku yimaado Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo sanadkii hore xilligii uu Muqdisho imaanayay maalmo ka hor la weeraray Hotel ay degenaayeen wafdi horu dhac u ahaa.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco Idale News Online, Muqdisho