Kooxo Hubeysan oo weeraray mid ka mid ah Dugsiyada Imtixaanadka dowladda ay qaadeyso uu ka socdo

0
305

Muqdisho ( INO)-Waarar ay Heshay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo Hubeysan ay weerareen Iskuulka lagu Magacaabo Baarbe.

Iskuulkaan la weeraray oo ku yaalla nawaaxiga Saldhig Galbeed ee degmada Dharkeynleey ayaa waxa uu ka mid ahaa Iskuulada ay ka soconayaan Imtixaanada Shahaadiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada ay qaadeyso.

Iskuulka Baarbe ayaa ka mid ah Iskuulada ugu waaweyn Magaalada Muqdisho , waxaana weerarku uu ka dhacay xilli ammaanka Iskuulkaasi aad loo sugayo.

Kooxaha weeraray Iskuulka oo illaa 4 Nin hubeysan ka koobnaa ayaa la sheegay in ay rasaas kooban isweedaarsadeen Ciidamo kuwa dowladda ah oo ammaanka Iskuulka sugayay.

Guddoomiyaha maamulka degmada Dharkeynleey oo Shabelle ay qadka Taleefanka kula xiriirtay ayaa sheegya in 2 ka mid ah Ragaasi weeraray Iskuulka ay gacanta ku dhigeen ayna iminka ku jiraan Xabsi ku yaalla Saldhig Galbeed ee degmada Dharkeynleey.

Idale News Online, Muqdisho