Dowlada Soomaaliya Oo Shaaciyay Cidda Hurineysa Dagaalada Syria

0
360

Muqidhso (INO)-War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada Soomaaliya ee dalka Syria ayaa ka hadashay dagaalo ka dhacay magaalada Dimishiq ee dalka Syria, dagaaladaasi oo sababay waxyeelo badan oo soo gaartay dadka Syrian-ka ah.

Qoraalka Safaarada Soomaaliya ee magaalada Dimishiq ayaa lagu sheegay in safaarada ay camaareyneyso dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaano ka tirsan dalka Syria, kuwaasi oo dadka waxyeelo ay kasoo gaartay.

Qoraalka Safaarada waxaa sidoo kale lagu sheegay in dagaalada ka dhacaya dalka Syria ay ka dambeeyaan Yahuuda Israel iyo wadamada kale ee cadowga ku ah dalalka Carabta, sida qoraalka lagu sheegay.

” Safaaradda weey ka war-heysaa in dhaqamada noocaasi ee falal-dambiyeedyada ka dhanka ah Walaalaha Suuriya ay fuliyaan kooxda Takfiri. Dadka Suuriyaanka waxaa ay lamid yihiin dadka Soomaalidda oo kale, oo ka cawanaya dagaalo sokeeye mudo labaatameeyo sano” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii, Safaarada ayaa sheegtay in qaraxyo dhacay maalmo ka hor ay sababeen dhimashada toboneeyo ruux oo dad rayid ah u badnaa.

Idale News Online, Muqdisho