Baydhabo(INO)- Iaydoo Maalmo Kaleya Ay Ka harsan Tahay Bisha Ramadaan Ayaa Waxaa Qeelo Dhaan Ay Kasoo Yeertey Dadka Ay Ku Jiraan Kaamamka Ay Ku Yalaan Magalada Baydhabo.
Iyadoo Dadka Xiligaani Ay Ku Jiraan kamamka In Tooda Badan Ay Ka Soo Ordeen Degmooyinka Bakool Iyo Qeybo Katirsan Bay Taasi Oo Ay Ugu Soo Ordeen Dagaaladii Ay Ka Socdeen Degmooyinkaasi Markii Ay Bilaabeen Howlgalkii Looga Magacdarey Howlgalka Jubba Oo Ay Howlgalkaasi Ciidamada Amison Duqeymo Badan Ay Ka Geesteen Degmooyinka Baay Iyo Bakool Waxyeelona Ay Ka Soo Gaartey Shacabkii Halkaa Ku Nolaa Ayna Ku Wayeen Hanti Ay Iskugu Jiraan Xoolo,Guriyaal Iyo Bakaarihii Ay Ku Jireen Waxyaabihii Ay Ku Noolan Lahayeen.
Kaamka Shiini Tiyeeglow Oo Kamid Ah Kamamka Ku Yaala Magalada baydhabo Waxaa KuJira Dadkii Ka Soo Cararey Duqeyntaasi.
Dadka Ku Dhibaateysan Halkaasi Ayaa Waxaa Iskugu Jiraan Haween Da”ah Carruur” Iyo Ragba Waxaa Ay Ku Jiraan Guriyaal Kasameysan Bac, jawaano Iyo Kartooman Maheystaan Wax Ay Cunaan Sedexda Waqti Waxa Ay Dabshidtaan Oo Kaliya Hal Waqti Waa Hadiiba Laheli Karo.
Haweenka Ku Nool Kaamka Shiini Tiyeeglow Waxaa Ay Ubadan Yihiin Kuwo Aan Usoo Shaqeysan Karin Hada U Baahan In Ay Wax Cunaan, Warbaahinta Idale News Online Ayaa Booqatey Kaamka Shiini Tiyeeglow Oona Soo Ogaatey Dhibka Kajira Kaamkaasi.
Kiita Moyeen Kii Laaga Sheekeyo Mafahmi Karo Dhibaatada Ay Ku Nool Yihiin Dadka Ku Jiraa Kaamka Shiini Tiyeeglow.
Dadka Ku Dhibaateysan Kaamka Ku Yaala Magalada Baydhabo iyo Duleedkeeda Ayaa Waxaa Ay Dalbadeen In Lala Soo Gaaro Gar Gaar Deg Deg Ah Is Ay Isu Bedesho Nolashada Ay Hada Ku nool Yihiin Iyadoo Shegeen In Ay Rabaan Iney Kaqeebgataan Bisha Barakeysan Ee Ramadaan Madaama Ay Yihiin Dad Muslim Ah. Waxaana Ay Kadalbadeen Dowlada Faderaanka Somaliya, Dowlada Koonfur Galbeed Somaliya Iyo Hay’adaha Deeqda Bixisa.
Halkan Ka Dhageyso
W/Q:Wariye Siidcali Muuse Maxamed {ateera}