Axmed Mdoobe iyo Gaas oo qol gaar ah leysugu geeyay & Hal arrin oo looga fadhiyo

0
636

Muqdisho (INO)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha Caalamka ay fursad siiyeen Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaasi oo leysugu geeyay qol gaar ah.

Labadaani mas’uul oo la sheegay inay mixnad ku yihiin aqbalida Maqaamka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa la filayaa in si gaar ah ay uga wada arrinsadaan sida ay ka yeeli lahaayen Maqaamka Gobolka, waxaana laga sugayaa diidmo ama ogolaansho.

Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas, ayaa ku doodaaya in laga fiican yahay baalmarka Heshiiskii gogoshiisa lagu soo xiray magaalada Muqdisho, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in la qaadan doono go’aanka ay isla soo gaaran maadaama ay sharciga hal ku dhig ka dhigteen.

Waxaa sidoo kale, jira ballanqaadyo uu Madaxweyne Xassan Sheekh u sameeyay labada madaxweyne, balse waxa ay caqabadu tahay mid ka taagan dhanka Gaas, oo Siyaasada Somalia u rogay dhan aargoosi.

Shirka labadaani mas’uul kadib ayaa waxaa lagu wadaa in kulan degdeg ah ay wada qaatan Madaxda DFS iyo Beesha Caalamka kaasi oo looga tashanaayo sida laga yeeli lahaa go’aanka ay Madoobe iyo Gaas la imaan doonaan waxaana xigi doono War-murtiyeed ku saabsan shirka.

Mas’uuliyiinta qaar ayaa qaba in Jubbaland, Puntland iyo Beesha Caalamka ay xili hore go’aan kusoo gaaren hal mowqif balse cidda la meermeerinaayo ay tahay DFS.

Madaxweyne Xassan ayaa xoogiisa isugu geeyay sida shirka wadatashiga ee maanta lasoo xiraayo looga gaari lahaa guul. Dhanka kale, ilaa iyo hadda lama saadaalin karo waxa uu noqon doono go’aanka dhagaha loo taagaayo.

Idale News Online, Muqdisho