Xildhibaan Xoosh Jibriil Oo Si Adag Maanta U Weerarey Gudoomiyaha BFS

0
351

Muqdisho(INO)— Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu gabay howshiisa, isla markaana wax ka maleegay waxa uu ugu yeeray sharci darradii uu Madaxweynaha ku meel mariyay hanaanka doorashada.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiye Jawaari uu si cad ah ula saftay Madaxweynaha, isla markaana markii uu Xildhibaanada ka dalbanayay in labo maalmood la siiyo uu wax ka ogaa arrinta la maleegayay.

“Jawaari wuxuu gabay howshiisa, wuxuuna la saftay Madaxweynaha, arrintaas wax buu ka ogaa marka uu leeyahay labo berry ha nala siiyo, waxay aheyd arrin hoos laga maleegayay waxa sharci darrada ee la waday, Madaxtooyada, isaga iyo Beesha Caalamka ayaa arrintan ujeedo ka lahaa”ayuu yiri Xildhibaan Xoosh.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari aanu wali Baarlamaanka furin, isla markaana ay tahay caqabad kale.

“Guddoomiyaha Baarlamaanka illaa iyo hada Baarlamaanka ma furin, taas ayaa caqabad kale ah, marka habsamidii la rabay looma maray, Baarlamaanka arrintan labo isbuuc ayuu heystay ee afar sano ma heysan, wax hada la wadana waxaa la rabaa qaladii la galay in gadaal laga xalaaleeyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadkii hore xeer uu soo saaray ku meel mariyay hanaanka doorashooyinka ee hor-yaallay Baarlamaanka, waxaana arrintan ku tilmaameen Xildhibaanada mid aan sharci aheyn, isla markaana Madaxweynuhu awoodii Baarlamaanka uu leexsaday.

Si kastaba ha ahaatee howlihii Baarlamaanka iyo awoodihii uu lahaa ayaa hada muuqata inay la wareegeen Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran, kuwaasoo ka arrinsanaya arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan.

Idale News Online, Muqdisho