Daawo Sawiradda : Magaalada Garowe Oo U Muuqaal Eg Magaalo Gacanta Itoobiya Ku Jirta

0
689

pizap.com14644726014201.jpg

Garowe(INO)- Ma ahayn wax lafilayay in xabashida Itoobiya ay sida ay rabaan umaamushaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya kuwaasi u muuqadaan inay gumeysi kujiraan.

Soomaalidii hore ayaa caan ku aheyd diidmada gumeystaha iyo cizi balse soomaalida hadda waxaa muuqata in ay ku yartahay gobanimada iyo la xisaabtanka cadawgooda soo jireenka ah ee Itoobiya waloow ay jiraan dad halyeeyo ah oo cadawga ka yuraynaya dhulka.

Magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal waxay kamid tahay magaalooyinka ku jira gacanta Itoobiya, magaaadaasi ayaa kaga duwan magaalooyinka kale saraakiisha Itoobiya oo waddooyinka si caadi ah shacabka u dhax lugeeya.

maamulka Puntand oo saaxibo dhow la ah Dowlada Itoobiya ayaa dadka  ka dhaadhiciyay in ay itoobiya u sacaba tumaan isamarkaana ay walaala yihiin!!.

Duqa magaalada Garoowe ayaa bishii lasoo dhaafay soo saaray wareegto amraysa in dadka kasoo jeeda Koonfurta Galbeed Soomaaliya ay magaalada isaga baxaan haddii kale ay sharci qaataan, Halka amxaarado ay qeyb ka tahay maamulka.

Dowladda Itoobiya si caadi ah ayay xaflado ugu dhigataa Garowe sida munaasabad shalay ka dhacday magaalada oo ay ka qeyb galeen boqolaal qof soomaali ah oo ay kujiraan madax katirsan maamulka Cabdi Wali Gaas.

Warbaahinta ayaa faafisay sawirro muujinayay dad waayeella ah iyo dhalinyaro Calanka Itoobiya gacanta ku wata kuwaasi oo u dabaal degaya 25 sana guuradii kasoo wareegtay markii la mideeyay waxa loogu yeero qowmiyadaha Itoobiya.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in maamulka Puntland uu dadkii soomaaliyeed Itoobiya u gacangeliyay,meelaha qaar waxaan la kala garan Karin in magaaladu tahay magaalo soomaaliyeed iyo magaalo Itoobiya leedahay  marka loo eego sida Itoobiyaanku awood ugu leeyihiin iyo dadka raacsan.


IMG_9533
IMG_9537IMG_9539IMG_9547IMG_9548IMG_9549IMG_9551IMG_9553IMG_9556IMG_9557IMG_9558IMG_9559IMG_9563IMG_9565IMG_9569IMG_9570IMG_9573IMG_9574IMG_9575IMG_9576IMG_9578IMG_9580IMG_9581IMG_9584IMG_9588IMG_9599IMG_9600IMG_9602IMG_9605IMG_9608IMG_9611IMG_9612IMG_9613IMG_9614IMG_9615IMG_9616IMG_9617IMG_9620IMG_9622IMG_9624IMG_9625IMG_9626IMG_9632IMG_9644
Isha Sawirrada:SBC

Idale News Online, Gaowe