Daawo:RW CCC Sharma’arke Oo Carro Ku Galay Safaaradda Ethiopia iyo Kulan Socda

0
907

Muqdisho (INO) – Kulan deg deg ah ayaa waxa uu iminka ka socdaa xarunta safaaradda Ethiopia ee magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliyaa.

Kulankan ayaa yimid markii uu safaaradda waxyar ka hor tagay ra’iisul wasaaraaha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo carreysan, waxaana sidoo kale kulanka qeyb ka ah Jeneraal Gabre iyo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Affeey.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa IdaleNews.com u sheegay in ra’iisul wasaaraha uu ka carreysan yahay kadib markii maanta laga horjoogsaday inuu tago magaalada Dhuusomareeb.

Warar hoose oo ay heshay shabakada IdaleNews.com ayaa sheegaya in Ahlu-Sunna ay Ra’isul wasaaraha ku amreen inuu iska soo reebo Wasiirada iyo Xildhibaanada ku wehlin lahaa socdaalka qaarkooda.

Cumar ayaa dowladda Ethiopia iyo wakiilkeeda Soomaaliya General Gabre uga dacwoonaya maamulka ka taliya Dhuusomareeb.

Wuxuu dowladda Ethiopia ka codsaday in mamaulkaas tallaabo laga qaado, waxaana weli socda kulanka labada dhinac. Waa astaan kale oo muujineysa xaalka murugeysan ee Soomaaliya ay ku sugan tahay.

Idale News Online, Muqdisho