Daawo: Madaxweyne Obama oo booqasho taariikhi ah ku tagay Hiroshima

0
343

Hiroshima(INO)— Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Hiroshima oo aheyd goobtii u horeysay ee Caalamka oo lagu garaaco Bamka Nuclear-ka.

Obama ayaa noqday Madaxweynihii u horeeyay oo Mareykanka ah oo booqda Hiroshima, halkaasoo gantaalkii uu Mareykanka ku garaacay ay ku dhinteen 140,000 oo qof.

Madaxweyne Obama ayaa ubax dhigay goobta loo asteeyay in lagu xusuusto dadkii faraha badnaa ee ku dhintay bambkii uu Mareykanka ku garaacay Hiroshima.

Waxaa uu la kulmay labo ka mid ah dadkii ka bad baaday bamkii Nuclear-ka ee lagu garaacay Hiroshima.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in sida lagama maarmaanka u tahay in Caalamka laga yareeyo adeegsiga Nuclear-ka.

Dadka Mareykanka ayaa aaminsan inay sax aheyd isticmaalka Bamka Nuclear-ka, taasoo keentay in Japan ay is dhiibto, soona afjarto dagaalkii labaad ee Adduunka.

obama-hiroshima (1)obama-hiroshima (2)obama-hiroshima (3)

Obama and Abe laid wreaths at Hiroshima Peace Memorial Park on Friday [Carlos Barria/Reuters]

 

Idale News Online,  Hiroshima