Tooratoorow ( INO)-Iyadoo ay Ciidamo is xulufeysanaya oo dowladda Federaalka , AMISOM iyo kuwa kale oo cadaan ah oo loo badaniyo Maraykan ay weerareen deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose lana wareegeen ayaa waxaa ka warbixiyay howlgalkaas maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ibraahim Najax Guddoomiyaha maamulka Shabeelaha Hoose oo wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa ugu horeyn ka hadlay howlgalkaas, waxuuna sheegay in ay guulo ka gaareen Weerarkii lagu qaaday Al Shabaab.
“ Ciidamada Kumaandooska oo ay wehliyaan kuwa kale ee xoogga dalka iyo AMISOM kaliya aya qabtay Tooratoorow” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Najax.
Mar aan wax ka weydiinay howlgalka haddii ay khasaaro ka dhasheen ayuu ku gaabsaday in dhanka Al Shabaab uu gaaray balse Ciidamada dhankooda uusan jirin wax khasaaro ah ee ka soo gaaray howlgalkaas.
Dhinaca Warbaahinta Al Shabaab waxaa lagu sheegay in ay dagaalamayaashooda dib u qabsadeen deegaanka Tooratoorow.
Waxa ay sheegtay Warbaahinta Al Shabaab abaaro duhurnimadii intii ay Ciidamada AMISOM ku sugnaayeen deegaanka Tooratoorow qarax Miino oo kolonyadooda ay la eegtay tiro Askar ah ay uga dhinteen gaarina uu uga basbeelay.
Meydadka iyo dhaawacyada oo aysan cayimin Warbaahinta Al Shabaab ayaa la sheegay in diyaarado ku soo degay deegaanka ay daabuleen.
Idale News Online, Baydhabo