Al Shabaab Oo Loogu Hanjabay In Laga Saarayo Qeybo Ka Mid Ah Gobolka Bakool

0
483

Rabdhuure (INO)—Maamulka Degaanka Rabdhuure ee Gobolka Bakool ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabayaan howlgallo xoogan oo ka dhan ah Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab.

Guddoomiyaha Degaanka Rabdhuure, Maxamed Kheyr Salaad ayaa sheegay in ay isku furi doonaan inta u dhaxeysa Degaanka Rabdhuure iyo Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta, Guddoomiye Maxamed Kheyr Salaad ayaa waxuu tilmaamay in Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah inta u dhaxeysa Degaanka Rabdhuure iyo Magaalada Xudur.

“Waxaan qaadeynaa howlgallo xoogan oo ka dhan ah Xarkada Al Shabaab, si looga saaro guud ahaan inta u dhaxeysa Degaanka Rabdhuure iyo Magaalada Xudur” ayuu yiri Guddoomiyaha Degaanka Rabdhuure.

Hadalka Maamulka Degmada Rabdhuure ayaa waxuu imaanayaa maalin un kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay jidka u galeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya oo ku wajahnaa Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Idale News Online Rabdhuure