Xildhibaan Jeesow: ” waa in Cadaaladda la horgeeyo Ciidamada iyo Saraakiisha Jir dilka sameeyay”.

0
469

Muqdisho ( INO) Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay arrin Maalmahaan hadal heynteeda ay ku badneyd baraha Bulshada ku xiriirto ee Social Media taasoo ahayd muuqaal Masuul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir oo ay si xun u ciqaabayeen Askar ka tirsan Ciidamada Nabad Sugida.

Mudane Jeesow oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay haddii aan Cadaaladda la soo taagin Ciidamadii ku xad gudbay Muwaadinka Soomaaliyeed in taas macnaheedu uu noqonayo  in falkaas gurracan ay wax ka ogaayeen Masuuliyiinta ugu sareysa Nabad Sugida sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa baraha Bulshada waxaa aad loo faafiyay Muuqaal Naxdin badan oo qof weliba oo muwaadin Soomaaliyeed oo daawada uu ka calool xumaaday islamarkaana ka niyad jabineyso in uu ku sii  noolaado dalkiisa Hooyo.

Nabad Sugida ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Dambi baarista Cabdiraxmaan Caato oo la sheegay  in falkaas uu masuul ka ahaa.

Idale News Online, Muqdisho