Tuesday, March 4, 2025
Home Idale Somali News Update XOG: Doorashada 2016-ka oo Laga Wereejinayo Muqdisho Xagee?)

XOG: Doorashada 2016-ka oo Laga Wereejinayo Muqdisho Xagee?)

0
624

Muqdisho (I NO) – Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee bisha September, ayaa la filayaa in laga wareejiyo magaalada Muqdisho ee dayniilenet. Soomaaliya, loona wareejiyo magaalo kale, sida ay ogaatay dayniilenet.com.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa IdaleNews.com u xaqiijiyey in qorshahan ay waddo beesha caalamka, oo aqbashay soo jeedimo kaga yimid Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe, oo doonaya in doorashada laga wareejiyo magaalada Muqdisho.

Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa beesha caalamka ka codsaday in doorashada laga wareejiyo Muqdisho, sababo ay ku sheegeen amni darro iyo xiisad qabyaaladeed oo ka dhan ah beeshooda oo Muqdisho ka jirta, sida ay sheegeen.

“Gaas iyo Axmed Madoobe waxay caalamka u sheegeen in naceyb ka dhan ah beesha Daarood uu Muqdisho ka jiro, islamarkaana xildhibaanada beeshaas ay halis geli karaan, aysanna suurta gal ahayn in codkooda ay si xor ah u dhiibtaan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan xafiiska QM ee Soomaaliya oo dayniilenet.com la hadlay balse codsaday inaan la magacabain.

Sida sarkaalkan uu sheegay beesha caalamka ayaa soo dhoweysay hindisaha labadan mas’uul, waxaana la filaa in doorashada loo wareejiyo magaalooyinka Kismaayo ama Garoowe midkood. Dowladda Soomaaliya, ayaan weli ka war-hayn qorshahan, islamarkaana aan lagu war-gelin.