DFS oo sheegtay in Go’aanka Lagu Xirayo Xeryaha Qaxootiga Uu Jabinayo Heshiiskii 3 Geesoodka

0
352

Muqdisho ( INO)-Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jamaal Axmed Xasan ayaa sheegay in Go’aanka Kenya ay ku xireyso Xeryaha Qaxootiga ee dalkaas uu jabinayo heshiiskii 3 Geesoodka ahaa ee ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay sanadkii 2013.

Jamaal Axmed Xasan ayaa sheegay in heshiiskaasi uu waqtigiisa ku egyahay Bisha November ee sanadkaan sidaas daraadeed sidii qalinka loogu wada duugay loo ixtiraamo.

Sidoo kale Safiirka ayaa dhaliilay heshiis dhexmaray dowladda Kenya iyo maamulka Jubbaland  oo ku aadan in Gobolka Jubbada Hoose Xero Qaxooti looga sameeyo dadka Qaxootiga ee dib looga soo celinayo Xeryaha Qaxootiga dalkaas.

“ ciddda Kenya ay arrimaha Soomaaliya heshiis kala gaari karto waa dowladda dhexe ee Soomaaliya”  ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jamaal Axmed Xasan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda Dalka Turkey uga qeyb galaya shirka Beni’aadanimada  ayaa la filayaa in dhawaan uu soo gaaro Magaalada Nairobi ee dalka  Kenya  si dhigiisa dalkaas uu ugala soo hadlo arrinta Xeritaanka Xeryaha Qaxootiga.

Idale News Online,Muqdisho