Daawo Sawiradda:Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Si weyn Looga Soo dhaweeyey Magaalaa Baydhabo

0
684

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden oo muddo hal todobaad ah oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho iyo dalka Kenya ayaa maanta soo gaarey magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud Ee magaaalada Baydhabo kusoo dhoweeyey guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda KGS  Shariif Sheekhuna Maye, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bay, kan degmada Baydhabo iyo boqollaal dadweyne ah.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha waxaa loosoo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo,  halkaas oo uu kula hadlay  qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey safarkii uu ugu maqnaa magaalada muqdisho iyo Dalka Kenaya iyo waxyaabihii uga soo hirgalay.

Madaxweynaha dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa sheegay in safarkiisii uu guul kusoo dhammaaday maadaama Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu xeer Madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii ay wada gaareen dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhabbaha loogu xaarayey hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Dhinaca kala Madaxweynuhu  waxa uu sheegay  in maalmaha soo socda magaalada Garoowe lagu qaban doono shirka madasha wadatashiga Qaran isla markaana ay halkaan isugu imaan doonaan Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda dalwadaha xubnaha ka ah.

Ugu dambayn, Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed inay muujiyaan Midnimo isla markaana ay taagyeeraan Hanaanka Geeda Socodaka Nabada Ee Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiradda Maanta

Idale News Online, Baydhabo