Daawo: Wefdi Ka Socoda Dowlada Koonfur Galbeed Oo Magaalada Garowe Kullan Kulla Yeeshey Dadka Ka Soojeda KGS

0
704

Garowe(INO)- Wefdi ka socoda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kusugan magaalada Garowe ayaa kulan la yeshey qaar ka mid ah Dadka Ka Soo Jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoona u kuurgalayey Xaaladahooda.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa haatan ku sugan deegaano ka tirsan Maamulka Puntland.

Masuuliyiinta Dowlad Koofur galbeed ayaa deegaanada Puntland ka wada kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanaya Masuuliyiinta maamulka Puntland ee ku aadan sidi ay ugu wada hadli lahaayeen tacadiyada loo geysto dadka ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koofur galbeed.

Sidoo kale waxay labada masuul ka wada hadlayaan in si nabad ah ay ku wada noolaadaan labada shacab ee Puntland iyo kuwa ka soo jeeda Koofur galbeed.

Sidoo kale labadaa Mas’uul ayaa waxay ka wada hadlaan in dadka ka soo jeeda koofurta ay ka qeyb qaataan nabada iyo sugida amniga deegaanada Puntland.

Halkan Ka Daawo VIDEO

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here