Muqdisho (INO) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtey xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa soo saarey wareegto uu ku ayidaayo heshiiskii Madasha Qaran ee ku aadanaa doorashada 2016.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xeerkaan madaxweyne soo saarey ka dib markii barlamaanka ka gaabiyey meermarinta heshiiskii madasha, sidoo kale markuu arkey xiliga xasaasiga ee lagu jiro iyo muddadda u harsan dowlada, iyo faragelinta ka imaan karta beesha caalamka haddii dowlada go’aan deg deg ah qaadan, Waxaa kale uu madaxweynuhu sheegay meelmarinta heshiiskii ay madaxda madasha qaran wada gaareen si deg deg ah loo dhaqan galin doono si dalka doorasho ugu dhacdo bisha August 2016.
Khudbada madaxweynaha iyo wareegtada uu soo saarey ayaa gabi ahaanba meesha ka saareysa murankii ka dhex jiray barlamaanka, madaxda dowlada federaalka iyo hogaamiyeyaasha gobolada dalka.
Go’aankaan ayaa yimid ka dib markii beesha caalamku ay cadaadis xoog leh saareen madaxweynaha si uu u soo saaro wareegto lagu meelmarinaayo heshiiska ka dibna beesha caalamkuna ay garab istaagto wareegtada madaxweynaha si barlamaanka waqtigiisa sii dhamaanaayo looga taqaluso.
Dhowaan filo khudbada Madaxweynaha & wareegtada oo uu akhriyey Af-hayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Mogadishu