Nairobi (INO)—Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay in Ciidamadooda in ay isaga baxi doonaan howlgalka Modowga Afrika ee AMISOM hadii Beesha Caalamka aysan waxba ka qaban dhaqaalo xumida soo wajahday howlgalkan ka socda Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa waxuu sheegay in howlgalka AMISOM uusan helin dhaqaalo ku filin iyo agabkii loogu talagalay, waxuuna ugu baaqay Qaramada Midoobay in ay wax ka qabtaan.
Madaxweyne Kenyatta ayaa waxuu xusay in Aduunka uu ku mashquule meelo kale, intii ay la socon la haayeen Kenya iyo Dalalka kale ee Ciidamada u soo diraya Dalka Soomaaliya.
Waxuu sidoo kale tilmaamay in dhaqaalo dhimistii dhawaan ay sameeyeen Ururka Midowga Yurub uu gaabis ku keenay howlgalka AMISOM.
Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in aysan qaadin wax mushaar ah muddo hal bil, tan iyo markii Ururka Midowga Yurub uu %20 dhimay dhaqaalihii la siin jiray Howlgalka AMISOM.
Kenya waxaa ka jooga Dalka Soomaaliya Ciidamo lagu qiyaaso 3,664, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaasi oo lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.
Idale News Online, Nairobi