30 Qof Oo Gaajo Iyo Dagaallo Ugu Dhintay Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan

0
289

Baladweyne(INO)-Wararka naga soo gaaraya Xarunta Hiiraan ee Baladweyne ayaa sheegaya in ilaa 15 qof ay gaajo ugu dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay gudaha magaaladaasi.

Wararka waxaa ay intaa ku darayaan in ay jiraan in ka badan 17 qof oo iyagana ku dhintay dagaalo muddo todobaad ah ka socda isla magaalada.

Guddoomiyaha degmada Baladweyn Cumar Aden Ibrahim oo la hadlay Warbaahinta s ayaa ku amray NGO-yada gobolka in shacabka wax u qabtaan 24-saac gudahood ama ay magaalada isaga baxaan,

Idale News Online, Baladweyne