Muqdisho (INO)—Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay is mari-waaga ka dhex jira hanaanka Doorasho ee Sanadkan 2016.
Bayaankan ayaa lagu xusay in Midowga Yurub uu si dhow ula shaqeenayay Madaxda Dowladda iyo Guddiga Baarlamaanka u xil saaran dib u eegista hanaankii doorashada ee ka soo baxay Shirarka Madasha Wadatashiga Qaran.
Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu muujiyay in Midowga Yurub uu aad ug xun yahay in Heshiis cad laga gaari waayo arintan ka hor in aysan Magaalada Muqdisho soo gaaray 15-ka Xubnood ee Golaha Amaanka ee Qarmada Midoobay.
“Soomaaliya waxey khasaarisay fursad muhiim u aheyd” sidaasi ayaa lagu yiri Wasaxaafadeedka ka soo baxay Ururka Midowga Yurub.
Dhinaca kale, Warsaxaafadeed dhawaan ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka meelmarinta Heshiiska hanaanka doorasho ee Dalka Soomaaliya oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu horgeeyay Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa ku tilmaamay meelmarinta qodobada horyaala Xildhibaanada Baarlamaanka mid ku xiran mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho