Warbixin: Beesha Caalamka oo Madaxweynaha ka dalbadey in wareegto ku kala diro Barlamaanka haddii…

0
326

Mogadishu (INO) – Iyadoo uu barlamaanku saakey u fadhiyo ka doodista iyo in ay cod u qaadaan heshiiskii hanaanka doorashada Somalia ee 2016 ee madaxda dowlada federaalka iyo maamul goboleedyadu ku gaareen magaalada Muqdisho ayaa  ilo diblamaasiyadeed oo shabakada wararka ee Idale News Online heshay  u xaqiijiyeen  in kulankii Madaxweynaha iyo wakiiladii beeesha caalamka lagaga arrinsadey waxa ay ka yeelayaan haddii barlamaanku ka horyimaado meel marinta dhamaan qodabada heshiiska Madasha Qaran.

Wakiilada beesha caalamka ayaa ka dalbadey Madaxweynaha inuu isagu soo saaro wareegto uu ku meel marinaayo heshiiska doorashada Somalia ee 2016 isla markaasna ku kala diraayo barlamaanka federaalka ee Soomaaliya oo muddo 60 cisho kaliya ay u harsan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarista wareegto aan sharci aheyn oo  lagu kala diraayo xildhibaanada barlamaanka welwel aad u weyn ka muujiyey maadaama uu yahay musharax raba in mar kale la doorto, ayna suurto gal tahay in uu waayo cododka qaar ka mid ah xildhibaanada oo intooda badan rajo weyn ka qaba iney dib ay u soo noqdaan.

Doonista beesha caalamka rabto in la kala diro  barlamaanka Soomaaliya ayaa timid ka dib kulan fool ka fool ahaa aadna u qaraaraa oo dhex marey labada dhinac, kulankaas oo wax natiijo ah aan ka soo bixin, hase ahaatee fariimo adag la is weydaarsadey.

Dhanka kale, Go’aanka Barlamaanka ku doonayaa inuu wax kaga bedelo qodobo ka mid ah heshiiska doorashada Somalia ee 2016 ayaa waxaa diidan beesha caalamka oo ay hoos ka riixaayaan Madaxweynaha Somalia, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo isku dhinac ah.

In kastoo laga yaabo in kulanka barlamaanka ee maanta uu  noqdo kii ugu dambeeyey ee ay yeeshaan haddii  la meel mariyo heshiiska doorashada Somalia ee 2016 iyo haddii kaleba, haddana waxaa jira  baaqo iyo culeysyo caalami ah oo ka imaanaayo dowladaha taageera wadanka Soomaaliya, kuwaasoo lagu sheegay in dowladda Federaalka, Baarlamaanka iyo Madaxda Maamul goboleedyada ay ka dhabeeyaan balanqaadkoodii ku aadanaa in doorashadu ay ku qabsoonto waqtigeeda. Arrintaan ayaa laga yaabaa iney soo dedejiso in xildhibaanada olole u galaan sidii ay ku soo noqon lahaayeen isla markaasna ay suurtogal tahay in ay u jihaystaan halka soo xulista barlamaanka ka dhaceyso.

Idale News Online, Mogadisho