Daawo:Haweenka Koonfur Galbeed Oo Baydhabo Loogu Soo Gabagabeeyey Tababar Soconaayey Mudo 3 Cisho ah

0
463

Baydhabo(INO)- Tababar Mudo sedex cisho ugu socdey magaalada Baydhabo haweenka degmooyinka 3da gobal ee koonfur galbeed bay iyo bakool iyo shabeelaha hoosee oo lagu barayey horumarinta doorka haweenka ay ku leeyihiin hogaanka iyo xasiloonida dalka.

Waxaana Gabagabada Siminaarkaan Ka qeyb Galey Wasiiru Ku xigeenka Wasaarada Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka Koonfur Galbeed Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Wasiiro Iyo Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Haweenkii Ka qey qaatey tababarka ay soo qaban qaabisey wasaarada haweenka koonfur galbeed  ayaa u mahadnaqey dowlada koonfur galbeed gaar ahaan Wasaaradeeda Haweenka Iyo Xuquuqul Insaanka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaano Ka tirsan Baarlamaanka koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wasiiro oo sidoo kale ka qeyb galey ayaa ugu horey haweenka ugu baaqey in marka hore ka shaqeeyaan horumarka dalkooda maadam ay yihiin hooyooyinka bulshada

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Koonfur galbeed Aweys maxamud oo ka qeybgaley gebegebada tababarka ayaa shegey in loo baahanyahey in haweenka doorkooda ay ku ciyaaraan.

Wasiir kuxigeenka wasaarada hawenka maamulka koonfur galbeed Marwo binti Ibraahim Oo ay soo qaban qaabisey tababarkaan ayaa sheegtey ujeedka tababarkan ay qaateen haweenka 3da gobal ee koonfur galbeed.

“Haweenka Soomaaliyeed waa lafdhabarka Umada waxaan ay soo mareen marxalad adag oo dhibaato loogu geeysanayaayey hooyooyinkeena lkn waa ay hartey maanta laga bilaabo dhibaatoyinka gabdhaha lahula kici jirey waxaana ugu baaqayaa in ay sii wadaan la dagaalakan dhibaatoyinkaasi” Waxaa sidaasi tiri wasiiru ku xigeenka wasaarada haweenka dowladda koonfur galbeed

 Halkan Ka Daawo Sawiradda.

  • Displaying IMG_9049.JPGDisplaying IMG_9049.JPGDisplaying IMG_9049.JPGDisplaying IMG_9049.JPG01 0203 040402

06

07

 

 

Wariye Maxamud Ibrahim Timacade

                                                        

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here