DEG DEG:Wafdiga Golaha ammaanka ka socda oo soo gaaray Muqdisho

0
260

Muqdisho ( INO)-Wafdi ka socda Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdigaan ayaa u kuur galaya hanaanka doorasho ee dalka la filayo in ay ka dhacdo sanadkaan 2016 aan ku guda jirno.

Waxaa la tilmaamayaa in wafdiga ay matalayaan 15 Xubnood ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Inta ay dalka ku sugan yihiin ayey la kulmi doonaan masuuliyiinta sar sare ee dowladda Soomaaliya, Golaha Baarlamaanka iyo weliba Madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Dalka oo maraya marxad kala guur ah ayaa waxaa is jiid jiid xoogan uu ka jira hanaanka doorasho ee dalka kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka ay sheegeen in ay dib u eegis ku sameynayaan qodobadii heshiiska ee maamul Goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe kaas oo ku aadanaa hanaanka  doorasho ee Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho