Ciidamada AMISOM oo kala dhex galay maleeshiyadii ku dagaalantay Beledweyn

0
242

Baledweyne(INO)— Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa shalay gelinkii dambe kala dhex galay maleeshiyo beeleed labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaalamay Xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyn.

Dagaalka u dhaxeeyay labada maleeshiyo ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu hakad geliyay dhaq dhaqaaqii xaafada Howl-wadaag.

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa dadaal ugu jira sidii heshiis rasmi ah loo kala dhex dhigi lahaa labada maleeshiyo, isla markaana loo kala qaadi lahaa ciidamada is hor fadhiya.

Nabadoon Barre Xuseen oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in maanta la dhameystirayo heshiiska labada dhinac, ayna rajo ka qabaan in ciidamo la kala dhex dhigo labada dhinac.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ee kala dhex galay labada maleeshiyo ay xabad joojin dhex dhigeen, isla markaana maanta odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada ay kulmi doonaan, si loo xaliyo xiisada labada beeleed.

Ma ahan markii u horeysay ee dagaal ku dhex maro galbeedka Beledweyn labo maleeshiyo beeleed, waxaana dhowr jeer soo noq-noqday dagaalada u dhaxeeyay maleeshiyaad iska soo horjeedo.

Idale News Online, Baledweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here