Baydhabo(INO)- Kulan ay wada yeesheen Gollaha Malaaqyada , Gollaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaliaya iyo Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa manta ka dhacey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Kulankaas waxaa loogu wada Hadley Qodabada Soo socda:-
- In la qaadaco Qorshaha Aqal sare ee la leeyahay Degmo iyo Gobal ayaa lagu qaybinayaa , taasoo si wadajir ah loo diidey Fikirka Aqal Sare , dhamaan xubnaha Golayaasha waxay isku raaceen in ay Soomaalida ay wax ku qaybsadaan 4.5 inta laga gaaraye hal cod hal Qof
- in la difaaco Xasuuqa lagu hayo Dadka Gobalaka Shabeelada Hoose , dowlada Federaalka ay fargilinta ka joojiso
- in aysan jirin wax layiraahdo Bakool Sare , ee ay jirto hal Bakool .
Gebo Gabadii waxaa la isku raacey in shir Jaraa’id ay qabtaan Masuuliyiinta Gollaha Malaaqyada , Gollaha badbaadada KG iyo Gollaha aqoonyahanada, waxaan loo xilsaarey inay ka hadlaan Gudoomiye Ku Xigeenka Gollaha odayaasha Dhaqanka Ee KGS Malaaq Cabdirishiid sheekh Cabdisalaan , Malaaqa Yuusuf Cabdiyow , Afhayeen Gollaha Malaaqyada Maxamed Yaquub Deerow iyo waxaa kaloo ka hadley Gudoomiye ku xigeenka Golaha badbaadada Koonfur Galbeed Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar.
Waxaana si buuxda loogu horyimid wax layiraahdo gollaha Aqalka sare iyo in la difaaco Gobolka shabeellaha Hoose oo ay ka socdaan Xasuuq , kufsi iyo dhac Joogta ah , taasoo socatey Muddo 25 sano .
Ugu dambeyntii, Gollaha malaaqyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa u mahad celiyey shaqada ay soo qabteen Gollaha badbaadada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku saabsanaa safarkii Puntland iyo dhacdooyinkii ka dhacey deegaanada Maamulka Puntland taaso lagu dhibaatayey dadka Ka Soojeeda Koonfurta Wadanka Soomaaliya.
Halkan Daawo Sawiradda Maanta
Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo