Dowlada Mareykanka Oo Balan Qaaday Inay Hub Siinayso Dowlada Liibiya

0
291

Washington(INO)- Maraykanka iyo quwadaha kale ee dunida ayaa lagu wadaa inay shaaca ka qadaan inay hub siin doonaan dawladda Liibiya si ay ula dagaalanto kooxda la magac baxday dawladda Islaamka.

Sida ku cad war-murtiyeed uu soo saaray isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaalamaya kooxda dawladda Islaamka, waxaa lagu wadaa in la kahfiiifiyo cunaqabataynta hubka ee saaran Liibiya.

Wasiirada arrimaha dibadda ee quwadaha dunida ayaa maanta shir caalami ah oo taageero loogu fidinayo dowladda midnimada qaran ee dhawaan laga sameeyay Liibiya kaga qaybgalay caasimadda Austria ee Vienna.

Shirka waxaa wadajir u guddoominayay xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, John Kerry, iyo dhigiisa Talyaaniga, Paolo Gentiloni, ayaa waxaa kasoo qeybgalaya wasiiro caalamka ka socda, gaar ahaan kuwo ay khuseyso arrinta Liibiya.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa ka doodayay qaabka lagu taageeri karo dowladda cusub ee midnimada qaran ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Fayez Sarraj.

Dowladda uu hogaamiyo oo la sameeyay bishii December ee lasoo dhaafay, isla markaana haysata taageerada Qaramada Midoobay, ayaa isku dayaysa in ay gacanta ku dhigto dalka oo dhan.

Idale News Online, Washington.