Dhageyso:Dowlada Soomaaliya oo QM Kala Hadashay Go’aankii Kenya Ee Xeritaanka Xeryaha Qaxootiga

0
319

Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Muqdisho kula kulmay ku xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya ahna isku duwaha dhanka beni aadanimada ayaa waxay si gaar ah ugu wada hadleen sida laga yeelayo go’aankii Dowlada Kenya ee xeritaanka xeryaha qaxootiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad ugu walaacsan yihiin go’aanka Dowlada Kenya iyo dhibaatada ka dhalan karta hadii la xero xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Madaxweynaha ayaa masuulkii uu la kulmay waxa uu kala hadlay sida loo wajahayo go’aanka ay qaadatay Dowlada Kenya.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa Warbaahinta u sheegay in labada masuul ay isku raaceen in si wadajir ah loogu qeyb qaato ka hor taga go’aanka Dowlada Kenya iyo in Madaxda Kenya ay kala hadlaan arrintaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Kenya lagala jhadli doono joojinta iyo ka laabashada go’aankeeda.

22 bishan May  ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ka dhici doona shir looga hadli doono xaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale waxyaabaha laga hadli doono ay kamid tahay xaaladda bani’aadanimada dalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho