Daawo: Somaliland Oo Ka Warbixiyay Rag Loogu Shakiyay Shabaabnimo Oo Gacanta Ay Ku Dhigeen

0
306

Hargeysa(INO)- Taliska Ciidanka Booliiska ee Maamulka Somaliland ayaa ka warbixiyay rag lala xiriirinayo iney amni daro ka wadeen magaalada Hargeyso oo ay gacanta ku soo dhigeen.

Taliska Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in ragaan ay mudo ku daba jireen oo ay ugu shakiyeen iney falal amni daro ka geysan rabeen Magaalada Hargeyso.

Taliska ayaa xalay howlgal lagu sugayo Amaanka ka sameeyay Xaafado ka tirsan magaalada Hargeysa, halkaas oo lagu soo qabqabtay shaqsiyaad lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska ee Maamulka Soomaaliland Feysal Xiis oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ay howlgal ka sameeyee afar goob oo mid kamid ah ay iska caabin kala kumeen.


Idale News Online, Hargeysa