Muqdisho (INO)—Taliska AMISOM ayaa ka warbixiyay howgallo Ciidamada Nabad Ilaalada ee Midowga Afrika iyo kuwa Xoogaga Dalka Soomaaliyeed ay ku qaadeen Xarumo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Sh.Hoose.
Qoraalo kooban oo lagu soo baahiyay barta Twitter-ka Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in howlgalladaasi lagu burburiyay Saldhig Al Shabaab ay ku la haayeen meel u dhow Buundada Degaanka Bariire ee Gobolka Sh.Hoose.
Taliska AMISOM ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada militari ee ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab eek u sugan qeybo ka mid ah Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya Weerarkii lagu qaaday Xarakada Al Shabaab ay qeyb ka ahaayeen Diyaarado Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykanka, inkastoo Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Mareykanka aysan weli ka hadlin howlgalkaasi.
Dhinaca kale, Sirdoonka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee lagu magacaabo DANAB ay fuliyeen howlgalkaasi lagu beegsaday Xarakada Al Shabaab.
Somalia especial forces #DANAB launched joint air and ground offensive against #AlShabaab in Lower Shabelle.
Geesta kale, Sarkaal u hadlay Xarakada Al Shabaab ayaa waxuu tilmaamay in Dagaal yahanooda ay iska caabiyeen Weerar qorsheysan oo ay soo qaadeen sida uu tilmaamay Ciidamada AMISOM iyo kuwa ka socda Dalka Mareykanka.
Todobaadkii la soo dhaafay ayee aheyd markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo kuwa Mareykanka oo isku dhinac ah ay Weerar Xoogan ku qaadeen Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa Degaanada Sabiid iyo Caanoole oo dhaca Duleedka Degmada Afgooye oo qiyaas 30Km 60km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho