Muqdisho(INO)-Warsaxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa maanta looga dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka meelmarinta Heshiiska hanaanka doorashooyinka ee Dalka Soomaaliya oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu horgeeyay Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Saxiibada Soomaaliya ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u ansixiyo qodobadii ka soo baxay Shirarka Madasha Wadatashiga, kuwaasi oo la doonayo in lagu soo dhiso Dowladda Cusub ee soo socota dabayaaqada Sanadkan 2016.
Qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka ayaa kulan looga hadlayay doorashooyinka soo socda waxaa Magaalada Muqdisho ay kula qaateen Madaxda fulinta iyo Hogaanka Baarlamanka Soomaaliya.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating ayaa ku tilmaamay meelmarinta qodobada horyaala Xildhibaanada Baarlamaanka mid ku xiran mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya.
Sikastaba Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u yihiin taageerida doorashooyinka la filayo in dabayaaqada sanadkaan 2016-ka lagu qabto Dalka Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho