Haweeneydii u horeysay oo loo magacaabay Xoghayaha Guud ee FIFA

0
395

Muqdisho(INO)— Fatma Samba Diof Samoura ayaa noqotay haweeneydii u horeysay ee loo magacaabo xilka Xoghayaha Guud ee xiiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa kaga dhawaaqay shirweynaha 66aad ee FIFA ee lagu qabtay Mexico in Ms Fatma Samba loo magacaabay Xoghayaha Guud ee FIFA.

Fatma Samba oo u dhalatay dalka Senegal ayaa muddo 21 sano ah ka shaqeyneysay Qaramada Midoobey, iyadoo hada aheyd isku xiraha arrimaha bani’aadanimada iyo wakiilka UNDP u jooga Nigeria.

Sida uu qabo sharciga FIFA waxaa la hubin doonaa sida ay ugu haboon tahay xilkaas, iyadoo guddi madax banaan ay sameyn doonaan baaritaankaas.

FIFA ayaa isku dayaysa inay iska meyrto ceebtii hareysay ee dhinaca musuq maasuqa, iyadoo horaantii sanadkan xilka Madxaweynaha cusub ee FIFA loo doortay Gianni Infantino, kadib markii Sepp Blatter uu is casilay.

Idale News Online, Muqdisho