Dhageyso:Prof. Kalay Oo Si Adag Ugu Hadley Been Abuur Ay Ka Sameysey Mid Ka Mid Ah Warbaahinta KGS

0
879

Baydhabo(INO)-Waxa Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, Prof. Maxamed Cali Kalaay Oo Ka mid ah Aqoonyahanda Koonfur Galbeed Soomaaliya sidoo kalena ah Gudoomiyaha Jaamacddda Koonfurta Soomaaliya (USS) ahna Gudoomaiyaha Midowgda Jaamacadaha Degaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu si adag ugu Hadley been ay ka sameysey mid ka mid ah Warbaahinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu beeniyey been abuur uu sheegey inay ka sameysey Shabakadda Warbaahinta BaidoaNews Isla markaana waxa umadda Soomaaliya u sheegey in warkaas uu ahaa mid ay ku doonayeen sumacad dilid iyo weliba war mada ogaal ah oo uusan sal iyo raad toona lahayn waa sida hadalka u dhigey e.

“ Iyadoo dhawaanahan Warbaahinta ay baahinayeen warar Aan sal iyo raad toona laheyn isla markaana Baida News oo ku caambaxday Been abuur bareer ah, kalsoonini umadda aysan ka qabin wax ay tabiso,ayaa hadda waxay rabaan inay dadka ku soo jiitaan waxa aan jirin dadka sumacada leh ay u sameeynayaan Taariikh xun, umaddii aragtey ama dhageysatey warkaas waxaan u sheegaya in aan waxba ka jirin oona hada loo jooginba, waxayna tan ay tahay aflaago iyo dhaqan xumo lagu yaqaaney” ayuu yiri.

Waxa kale uu xusey in mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya oo ka soojeedaan Koonfur Galbeed Soomaaliya ay horey dacaayad noocan ah ay ka faafisey Warbaahinta BaidaNews taasoo uu sheeegey inay ku doonayeen baad iyo arimo kale.

“mana la yaabeyno maxaa yeeley Horey ayey Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Prof.  Maxamed Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha BFS, Maxamed Ibrahim Farkeeti, Wasiirka Maaliyada DFS, Inj. Saalax Sh. Cisaan Muuse Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib U Dhiska Soomaaliya iyo dad kale oo sumcad leh ay ka faafiyeen dacaayad tan oo kale ah” ayuu yiri Prof. Kalay

Sidoo kale Prof. Maxamed Cali Kalay waxa Uu sheegey in uu san xariir la ahayn urur Siyaasadeed yar Ee Saameynta Leh ee Damul Jadiid waxa uu xusey dadka warkaas lagu sheegey isku siyaasad aysan ahayn.

Dhanka kale aqoonyahan Prof. Kalay waxa wax lagu xumaado ku tilmaamey in warkaas lagu soo darey Hay’ada Fursad Fund oo uu sheegey inay ku tilmaameen urur diimeed lagu shaqeeysanayo.

“ fursad fund,  waa Sanduuq Dhaqaalle oo shaqo abuur u sameyso Dhalanyarada Soomaaliyeed, kana wacyi galiso Khatarta arimaha Tahriibta, kama shaqeyso urur Diimeed, siyaasad iyo Wixii la mid ah” ayuu mar kale yiri Prof. Kalay.

Ugu dambeyntii, waxa uu hoosta ka xariiqay in hamigiisa siyaasadeed Ee 2016 aysan waxba u dhimineynin Dacaayada iyo war xumo tashiil laga sameeyo, wuxuuna ugu baaqey inay joojiyaan wararka beenta ah isla markaana umadda ay ka daayaan fikirkooda gaarka ah.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here