Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil Oo Ka Hadlay Sababta Loo Xirayo Xeryaha Dhadhaab Iyo Kaakuma

0
323

Baydhabo(INO)-Xildhiban Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah guddiga difaaca baarlamaanka dalka Kenya ayaa isaga oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa uu sharaxaad ka bixiyey sababta dowladda Kenya ay u xireyso xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Kenya ay aragtay culeyso badan oo jira, islamarkaana qaxootigii Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan uu caalamka ka jeestay.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Kenya ay doonayso in caalamka degdeg ugu soo jeesto nabadda Soomaaliya, islamarkaana dadkaan qaxootiga ah wixii ay ka carareen wax laga qabto.

“Maadaama arrimaha siiriya soo baxeen adduunka waxa uu aad u xiiiseynayaa qaxootigan ka barakacayaan meelahaas, waa la hilmaamay qaxootiga Soomaaliya ee ku noolaa Dhadhaab iyo Kaakuma, waa laga guuray, cunto iyo lacagba lama siiyo, sidaa darteed Kenya waxay leedahay annaga kaligeen yaa nalagu dhaafin culeyska, wadankooda degdeg nabad halooga dhigo Soomaalidan, reer Galbeedka lacag badan bay sheegaan inay bixiyaan, waad deyriseen dadkii, markii la dhaho waa la bixinaa qaxootiga aragti ayeey keenayaan, dadka Tahriibo ee Soomaalida carabtana la socdo waa laga saaraa, dadku waxay ku nool yihiin saxariir, cunto la’aan, qoys dhan baa la siinayaa raashiinka hal qof, Soomaalida dibadaha baa loo qaadi jiray hadana waa la joojiyay, Kenya 25 sano ayeey haysay qaxootiga ma ahan dad naxariis darro hadda waxaan u sameynaya, waxaa soo socda shirar badan” ayuu yiri xildhibanka.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan waxay sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku xiri doonto xeryaha qaxooti ee Dhadhaab oo ay ku nool yihiin qaxooti badan oo Soomaaliyeed.

Idale News Online, Baydhabo