Barazil(INO)— Madaxweynaha cusub ee dalka Brazil Michel Temer ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa inay isdejiyan kadib markii xildhibaanada dalkaasi ay shaqada ka eryeen Dilma Rousseff oo hore u ahayd Madaxweynaha Brazil.
Hogaamiyaha cusub ee Brazil ayaa magacaabay golihiisa wasiiro isagoo ka dhigay wasiirka maaliyada madaxii hore ee bangiga dhexe ee Brazil Henrique Meirelles.
Hase yeeshee hogaamiyihii hore ee Brazil Ms Rousseff ayaa ku tilmaantay talaabadii xilka loogaga qaaday inay tahay afgambi.
Madaxweynaha cusub ee Brazil Mr Temer ayaa ahaa Madaxweyne ku xigeenkii Ms Rousseff hase yeeshee xisbigiisa ayaa ka baxay dowlada bishii March ee sanadkan, waxana ay Ms Rousseff ay ku eedeysay inuu ka mid ahaa dadkii hogaaminayay afgambiga ay ku tilmaantay xilka qaadistii ay ku sameyeen xildhibaanada baarlamaanka dalkeed.
Mr Temer oo 75 sano jir ah ayaa hayn doona xilka madaxtinimada dalkisa muddo 180 maalmood mudadaa ah oo waqtiga ugu badan ee sharciga dalka Brazil u yaal.
Idale News Online, Brazil