Brazil(INO)— Xildhibaanada Aqalka Senate-ka dalka Brazil ayaa maanta u codeeyey inay shaqada ka hakiyaan Madaxweynaha dalkaas Dilma Rousseff, sababo la xiriira inay jebisay sharciga miisaaniyada dalkaas.
Rousseff ayaa goor dambe oo maanta ah lagu wargelin doonaa go’aanka aqalka Senate-ka, waxaana kadib ay hortagi doontaa maxkamad.
55 xubnood oo ka tirsan aqalka Senate-ka ayaa u codeeyey in shaqada laga joojiyo, halka 22 ay diideen, kadib 20-saac oo socotay dood la xiriirta mooshinka laga keenay.
Madaxweyne kuxigeenka Brazil Michel Temer ayaa xilka si KMG ah u sii heynaya, inta uu socdo shaqa ka fariisinta iyo maxkamadyenta Mrs Rouseff.
Muddo 180 maalmood ayay socon doonta maxkamadeynta iyo xanibaada Ms Rouseff, taasoo la macno ah inay ka maqnaan doonto xafiiska inta uu socdo ciyaaryaha Olimbikada bisha Agosto ka fumaya magaalada Rio de Janeiro
Mrs Rouseff ayaa loo heysta eedeymo la xiriria inay qarisay miisaaniyada dalka iyo is dabarin lacageed, taasoo dalka geliyay hoos u dhac dhaqaale.
Dilma Rouseff ayaa noqotay haweeneydii u horeysay ee Madaxweyne ka noqota dalka Brazil, waxaana xukunkeeda laga yaabaa inuu soo afjaro muddo 13 sano ah oo dalka ay maamulayeen xisbiga bidixda, waxaana xisbigaas lagu xusuustaa in malaayiin ruux Brazil ah inuu ka saaray faqriga.
Idale News Online, Brazil