Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii duleedka Afgooye oo diyaarado ka qeyb qaateen

0
344

Afgooye(INO)— Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaanka Sabiib oo qiyaastii 10-KM dhanka Galbeed ka xiga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii saaka ay weerar ku qaadeen.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo bilowday abaarihii salaadii subax ee saaka ayaa soo gaaray illaa maanta duhurkii, iyadoo rasaas culus laga maqlayay Afgooye iyo deegaanada ku xeeran.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qeyb qaadanayeen diyaarado, waxaana diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones ay illaa saddex gantaal ku garaaceen fariisimo Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay deegaanka Sabiib iyo deegaano kale, waxaana deegaankaas ka barakacay dadkii deegaanka ee ku sugnaa.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay dagaalo la galeen ciidamo Mareykan ah oo watay gawaarida gaashaaman, isla markaana ay taageerayeen diyaarado.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Sabiib iyo tuulooyin kale oo hoos-yimaada degmada Afgooye.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo ku aadan dagaalka ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Al-Shabaab ayaa muddo gacanta ku haya deegaanka Sabiib iyo deegaano kale oo ay weerarada uga soo qaadayeen degmada Afgooye oo qiyaastii 30KM koofur ka xigta magaalada Muqdisho.

Idale News Online,Afgooye