Guddoomiyaha G/Sh/Hoose Oo Lagu Eedeeyay In Jid Gooyooyin Uu Soo Dhigtay Gobolka

0
396

Afgooye ( INO)-Isagoo u warramayay Warbaahinta guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Afgooye ayaa waxa uu eedeymo kala duwan dusha uga tuuray guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Mudane Ibraahim Najax.

Cabdiqani Yuusuf Guddoomiyihii hore ee degmada Afgooye ayaa ku eedeeyay Isbaarooyinka Ceegaaga Shabeelaha Hoose in uu soo tubay Guddoomiyaha iminka majaraha u haya Gobolkaas Ibraahim Najax.

“ aniga ayaa cadeynaya lacago ayaa isaga loogu uruuriyaa, waxbana kalama socda dhibaatada iyo cabashada hareysay shacabka ku tabaaleysan Shabeelaha Hoose , Dalxiis ayuu isaga baxaa” ayuu yiri Cabdiqani Yuusuf.

Ugu dambeyn Guddoomihii hore ee Afgooye ayaa ku eedeey maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose in ay dayaceen shacabka degmada Afgooye oo dhibaatooyin kala duwan ay daashadeen sida uu hadalka u dhigay.

Idale News Online Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here