Asagoo ka hadlaayay shir jaraaid oo lagu qabtay Nairobi ayaa wuxuu sheegay in xeryaha Dhadhaab ay ku dhuumaaleystaan xubno ka tirsan Al-shabaab. Si kastaba ha ahaatee ururada xaquuqda aadanaha udooda ayaan ka biyo diidsan eedeynta noocaas ah isla markaana sheegaya in eedaasi aysan waxba ka jirin.
Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa kunool qaxooti lagu qiyaasay 350 kun oo Soomaali ah.
Diyaarinta dib u celinta qaxootigaas ayaa haatan waxaa la sheegayaa in dawlada Kenya ay guddi u xil saartay. Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in Kenya dib u celinta qaxootigaa ay qarash u meel dhigtay.
Guud ahaan, Kenya waxaa kunool qaxooti tiradoodu sare u dhaaftay nus milyan kuwaasoo Soomaalida ka sokow ka kala yimid waddamada Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.
Idale News Online, Nairobi, Kenya