Wararkii ugu dambeeyay AMISOM oo qiratay in uu ka dhintay Askari

0
208

KKKK

Sarkaal ka tirsan Midowga Africa ayaa shaaca ka qaaday in maalintii Isniinta uu qarax miino uga dhinta askari katirsan Ciimada AMISOM kaddib markii ay ku qaraxday bambo waddada hareeraheeda ku aasnayd

Afhayeenka ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya Mr Floribert Biyereke oo lahadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in Maalintii isniinta uu ka dhintari Askari, Afhayeenka ayaa sheegay in hal askari oo ka tirsan ciidankooda uu dhintay kaddib markii ay ku qaraxday bambo dhulka lagu aasay, sida uu hadalka u dhigay

Biyereke wuxuu mas’uuliyadda qaraxa ku eedeeyay Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab waxa uuna sheegay inay iyaga ku aaseen Miinadaasi wadada balse Askari ka dhinta awgiisa aysan u joojin doonin Ciidamadaaso Howlgalada ay kawadaan Magaaladda Muqdisho.

Idale News Muqdisho