Baydhabo(INO)- Beesha Harriin/Waraasile oo ka mid ah Beelaha Raxanweyn ayaa Maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay waxay ku caleema saartey Malaaq Cusub.
Malaaqa Maanta la caleemo saarey ayaa waxa lagu magacaawa Malaaq C/naasir Maxamed Aadan, waana qof dhalanyaro ah isla markaana sida la sheegey uu yahay qof degan oona leh asluub wanaagsan.
Caleemo saarka Waxaa Ka Qiib Galey Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowlada koonfur Galbeed Soomaaliya, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshadda Rayidka Magaalada Baydhabo.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo