Shacabka ku dhaqan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka cabanaya xaalad nolol xumo oo ka taagan deegaanada ay ku nool yihiin iyaga oo dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay gurmad la soo gaaraan.
Shacabka ku dhaqan deegaanka Tuulo Yaaq oo ku yaala duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay haysato xaalada nolol xumo taas oo ay ka mid tahay biyo la’aan iyo cuno yari, waxa ayna dowladda Soomaaliya iyo hay’adda samafalka ugu baaqeen in ay gurmad la soo gaaraan.
Sidoo kale shacabka ayaa timaamay in ay u baahan yihiin xarumo caafimaad iyo goobo waxbarsho si ay carruurtooda u helan waxbarasho madaama ay haatan haystaan amaan iyo nabad galiyo.
Deegaanka Tuulo Yaaq ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku nool qoysay aad u badan mana lahan goobo caafimaad iyo Iskuulo waxbarasho oo ay caruurtooda wax ku bartaan.
Idale News Muqdisho