Madaxweyne doonaya inuu noqdo Cirbiyeen raaca Dayax-gacmeedyadda

0
212

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamka ee Iiraan, Mohamoud Ahmednejad oo lagu wado inuu Xilka Madaxtinimadda ka dego bisha June ee sannadkan, ayaa sheegay inuu doonayo inuu noqdo qofka ugu horreeya ee raaca Dayax-gacmeedka uu Dalkiisa  Hawada Sare u diri doonaan.

Madaxweyne Ahmednejad ayaa hadalkaasi shalay ka sheegay mar uu booqday Diyaarad Dagaal oo lagu farsameyeey gudaha dalkiisa, taasi oo uusan Raadaarku qaban karin.

“Waxaan diyaar u ahay inaan noqdo qofka ugu horreeya ee ay Saynisyahannadda Iiraan u diri doonaan Hawada Sare’ ayuu yiri Madaxweynaha oo bogaadiyey guusha uu dalkiisa ka gaaray Dayax-gacmeedkii uu Daayeerka la socday ee isbuucii hore hawada loo ganay.

Wakaalladda Wararka ee Mehr News Agency, oo warkan baahisay ayaa sheegtay inuu Madaxweynuhu sheegay inay wax lagu farxo tahay dadaalka ay Dowladiisu gelisay sidii horumar looga gaari lahaa Teknoolajiyadda Casriga, isagoo xusay inay Kumanaan Aqoonyahanno Iiraani ah ku hawlan yihiin sidii loo horumarin lahaa Awoodda dalkiisa.

Ma cadda hadlka Madaxweynaha Iiran inuu dhb ka yahay iyo inuu iska kaftamayey, iyadoo Dowladha Reer Galbeedka utin ku noqotay Dayax-gacmeedka ay Iiraan u dirtay Hawada Sare, oo ay sheegeen in Teknoolajiyadaasi horseedi karto inay Iiraan smaysato Gantaalladda xambaara madaxyadda Nukliyeerka.

Idale News Muqdisho