Muqdisho(INO)- Anigoo ah Dr Jaylaani Maxamed Oowfu waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan ahay Musharaxa utaagan doorashada xildhibaanka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya 2016 ee beesha TUNI Dacfaraad sidaa darted Waxaan aad usoo dhaweynayaaa soo jeedinta Beesha ee ah inaan usoo istaago xilkaas taasoo ah mid aan soo dhaweynayo waxaana arintaan igu dhiiri geliyay wax garadka beesha.
Heerka Aqoonta.
Waxaan ka baxay dugsigare sare ee banaadir school, dugsiga hoose waxaan ku qaatay degmada xamarjajab kan dhexana dugsiga bartamaha.
Waxaan ahay ganacade, ahna siyaasi kasoo qeyb qaatay arimo badan oo deegaanka quseeya iyo guud ahaan soomaaliya.
Khibradda Iyo Shaqooyinka.
Waxaan lasoo shaqeeyay shirkad taliyaani ah oo lagu magaaco Petrol cimico libiya Maso Barego, oo qaabil saneyd sifeynta sjidaalka iyo iib geynta ee dalka liibiya waxaan kaloo lasoo shaqeeyay shirkad jarmal ah oo layiraahdo Berfinjer oo qaabilsaneys dhanka construction-ka iyo Shirkada Beeraha iyo qodista ceelasha
Waxaan kaloo lasoo shaqeeyay safaarada taliyaaniga qeybta baasaboorada, iyo shirkada catrine service ee qaabilsaneyd dullimaadka diyaaradaha iyo service kooda
Luuqadaha Aan Ku Hadlo.
Waxaan ku hadlaa luuqadaha kala ah Taliyaani, Carabi English, Swahili. iyo Af Soomaali Maay iyo Maxaa tiri.
Xilalka
Waxaan hada ahay Madaxweyne ku xigeenka JUBA GAANE STATE oo ah maamul dhawaan muqdisho looga dhawaaqay, waxaan kaloo kamid ahaa ergooyinkii wax kasoo dhisay dowladii Abdulaahi Yusuf Axmed ee lagu soo dhisay dalka Kenya waxaanan kasoo qeyb qaatay dadaalkii dheeraa ee loogalay nidaamka federaaliisamka Ee Soomaaliya.
Qorshaheyga Wax Qabad Hadii La I Doorto
Waxaan Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose ka dhisayaa afar iskuul oo ah dugsiga hoose iyo dhexe iyo 4 iskuul oo dugsiga sare ah.
Baraawe oo ah caasimada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan ka dhisayaa Jaamacad, waxaan kaloo dhisayaa collage lagu barto waxbarashada vocational training oo lagu baran doono arimaha beeraha, xoolaha iyo kaluumeysiga, Waxaan kaloo dhisayaa dhamaan jidadka magaalada Baraawe soo galo iyo kuwa magaalada gudaheeda ah.
Waxaan dib udhis kusameynayaa waxna ku kordhinayaa isbitaalka Degmada Baraawe, waxaan balan qaadayaa inaan dhamaan arimaha adeega bulshada ee ka maqan degmada ama loo baahan yahay inaan wax weyn ka qabto sida cafimaadka, beeraha, xoolaha, kaluumeysiga, jidadka, biyo nadiif ah oo lacabo iyo arimaha ganacsiga oon hormarin doono.
Hadii la i doorto Waxaan sii toos ah ugu xirnaan doonaa odayaasha degaanka lana shaqeyn donaa, Waxaanan gacan weyn ka geysan doonaa inaan dib u hishiisiin u sameeyo dhamaan beelaha deriska nala ah ee xur gurta ka dhaxeyso gaar ahaan Gobolka shabeelaha hoose.
Ugu dambeyntii, Waxaan sameynayaa urur ama iskaashato tayo leh oo ay ku mideysnaan doonaan dhamaan bulshada deegaanka si loo gaaro isbedeal horumar deg deg ah.
Wabilaahi toowfiiq
Musharax Dr Jaylaani Maxamed Oowfuu
Idale News Online, Muqdisho