Waxaa goor dhow soo gaba gaboobay dhageysigii dacwada loo heystay Wariye C/casiis Koronto iyo haweeneydii la kufsaday, iyadoo Maxkamada ay ku xukuntay min hal sano oo xarig ah.
Dhageysiga dacwada oo ahaa mid aad u kululeyd ayaa loo diiday Maxkamada inay ka hor cadeeyaan afar marqaati oo goob joog ka ahaa xilliga gabadha la kufsanayay iyo in la dhaariyo eedeysanayaasha.
Xeer Ilaaliyaha qaranka oo dacwada ku soo oogay ayaa ka sheegay Maxkamada in Wariyaha sameeyay dambi been abuur ah, isla markaana markii baaritaan la sameeyay ay dhab noqon weyday.
Sidoo kale waxay maxkamada sii deysay saddex ruux kale oo kiiskan loo xiray, kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen been abuurka.
Hase ahaatee wariyeyaashii ka qeyb galayay dhageysiga dacwada ayaa qaarkood ku doodayay in go’aanka maxkamada uu ahaa mid hal dhinac ah, isla markaana uu xaq u lahaa wariyaha marqaatiyaal balse loo diida.
Wariyeyaasha qaar oo buuq sameeyay ayaa Maxkamada laga saaray, waxaana la soo warinayaa in qaarkood jirdil lagula dhaqaaqay.
Xukunkan hal sano ah ee lagu xukumay Wariye C/casiis Koronto iyo gabadha la kufsaday ee magaceeda lagu sheegay Luul ayaa la sheegin racfaan laga qaadan karo iyo in kale.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.
Idale News Muqdisho