Barlamaanka oo guddi soo turxaan bixiya u saarey go’aankii Xukuumada ee Doorashada dadban ee August, 2016

0
330

Mogadishu (INO) – Barlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u saarey heshiiskii Madasha ka dib dood ay xildhibaanadu ka yeesheen go’aankii dhowaan madashada wadatashiga qaran ku gaareen magaalada Muqdisho kaasoo ku aadanaa hanaanka doorasho dadban uga dhici karto dalka Soomaaliya marka la gaaro bisha August ee sanadkaan 2016.

Xubnaha barlamaanka oo maanta soo gabagabeeyey ka doodista heshiiskaan oo uu Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid u soo gudbiyey ayaa u muuqda mid ay rabaan inay ku laalaan qaar ka mid ah qodobada heshiiska, xildhibaano badan oo ka hadley kulanka  ayaa  sheegay in heshiiskaan uusan ku cadeyn xiliga ay doorashadu dhaceyso, isla markaasna sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah qodobada heshiiska oo si toos ah uga hor imaanaayo Dastuurka gaar ahaan qormada 60 iyo 64aad ee Dastuurka dalka, sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in xukuumada dib loogu celiyo  ama loo qabto guddi heer balamaan oo soo kala shaandheeya, ka dibna barlamaanka dib loogu soo celiyo, codna loogu qaaado.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliy Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay maadaama sidii horey loogu balamey in doorasho hal cod iyo hal qof aysan dalka ka dhici karin, isla markaasna loo baahan yahay in la is waafajiyo go’aanka xukuumada ee doorashooyinka iyo dastuurka dalka, in howshaas loo saaro guddi heer barlamaan ah oo wax ka bedel ku sameeya heshiiska, ka dibna cod lagu ansixiyo.

Kulankii maanta ee barlamaanka ayaa u muuqda mid ay xildhibaanadu ku doonayaan iney ku laalaan heshiiskii madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda sare ee dowlada dowlada ka gaareen qaabka doorasho dadban looga qabanaayo  dalka, waxaanse la ogeyn sida ay ugu qancayaan madaxda maamulada dalka oo iyagu aaminsan in barlamaanku awood u laheyn inuu wax kaga bedelo heshiiska, sidoo kalena ay la tahay in heshiiska madashu la mid yahay kii “Kampala accord” oo kale, taasoo ka dhigan in sidiisa lagu qaato maadaama beesha caalamku taageersan tahay, hergelintiisa ay iyadu masuul ka tahay.

Idale News Online, Muqdisho