Ciidamada oo howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka xalay ka sameeyay degmada Xamar Jajab

0
220

Ciidamada amaanka dowlada Soomaliya ayaa xalay howlgal lagu xaqiijinayo amaanka Islamarkaana lagu  qabqabtay in ka badan 120 ruux ka sameeyay degmada X/jajab ee magaaalda Muqdisho.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah isaga kaashanayeen ciidamada Booliiska iyo kuwa nabadsugida ayaa habeenkii xalay laga fuliyay degmada Xamar Jajab,  iyadoo lagu soo qabqabtay in ka badan 120 qofood oo ay ku jiraan kooxo falal amnidaro ah ka geysta degmadaasi iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab  oo ku dhuumaaleysanayay xaafadaha degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Xamar jajab Maxamed Cali Axmed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabqabtay 127 ruux,  oo Sideed ka mid ah gacanta lagu hayo iyadoo ay baaris ku socoto,  kuwaas oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen Bam gacmeed habeen ka hor lagu tuuray Hoteka  ku yaala degmadaasi.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in marka laga reebo Sideedaasi qof,  la sii daayay intii kale  kadib markii la gartay in aysan lug ku laheyn falalka amnidarada ah, waana habeenkii labaad oo hawlgalkaasi ka socdo degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Idale News Muqdisho