Daawo:Qaabka Ay Ciidamada Kumaandooska DFS u Burburiyeen Saldhiga Daachis Ee Degmada Janaalle

0
565

Muqdisho(INO)- War Qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu Yiri, Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska XDS ayaa burburiyay Shabakad ka tirsan Kooxda daacish oo tababar ku qaadanayay Deegaanka Jannaale oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

Warka Qoraalka ayaa lagu yiri “Ciidamada oo ku gudajira howlgallada joogtada ah ayaa weerar la qorsheeyay ku qaaday Mucaskar ay tababar ku qaadanayeen koox ka tirsan Daacish, halkaasna lagu dilay 12 ka tirsan kooxdaasi oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kadib markii ay iskacaabin kala hor yimid ciidamada howlgalka sammeynayay”

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warkan qoraalka ah sidoo kale ku sheegay in gacanta lagu dhigay tiro Maxaabiis ah oo ka tirsan Kooxda ku sugneyd Mucaskarka la burburriyay, kuwaas oo qaarkood laga Daweynayo daawacyo ka soo gaaray inta uu Howlgalku Socday.

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Todobaadkan la qaaday howlgallo qorsheysan oo lagu wiiqayo Qorshayaal argagixiso oo ay diyaarinayeen Kooxda Al-shabaab.

Horjooyaasha Sare Ee kooxda Al-shabaab ayaa ku kala Qeybsamay qorshe ay wadeen qaar kamid ah horjoogayaashooda oo soo jeediyay in kooxda ay qaadato Magaca Daacish, taas oo dhalisay in ay ku kala qeysamaan dhexdoodana uu ka billoowday Shirqool iyo Cidaawad ay isku qaadeen dhexdooda.

Halkan Ka Daawo

13128604_925311254269213_1470343102_o

13140892_925311120935893_2129106202_n - Copy13169928_925289520938053_474641563_o13161131_925311184269220_1585917705_o - Copy

 Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here