Muqdisho(INO)—Ururka Alshabaab ayaa waxaa uu soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub kala gedisan iyo qalab dagaal oo ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaal dhowaan ka dhacay degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Sh/dhexe.
Warbaahinta taageerta ururka Alshabaab ayaa sawiradan soo bandhigey iyadoo ay ka muuqdeen labo gaadiidka dagaalka ee CabdiBilaha Soomalida u taqaan iyo labo gaadiidka waaweyn ee ciidamada lagu qaado.
Iskahorimaad ku dhex maray toddobaadkan ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab degmada Ruun-Nirgood ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo degmadana labada dhinac ay midba mar la wareegtay.
Hase yeeshee lama oga illaa iyo hadda cidda gacanta ku haysa degmada Ruun-Nirgood iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ururka Alshabaab ay ciidamadeeda dib ugaga daadgureysay degmada halka ciidamo faro badan oo ka tegey Muqdisho iyo Jowhar ay ku sugan yihiin deegaano aan ka fogeyn degmada Ruun-Nirgood.
Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlawe ayaa ku hanjabay in dhammaan deegaanada ay weli ay Alshababa ka joogaan gobolka Sh/dhexe dhowaan laga saari doono.
Idale News Online, Muqdisho