Maleeshiyada Mayalka Adag Ee Al-Shabab Oo Xilka Ka Qaadey Sheekh Maxamed Abu Cabdalla

0
620

Muqdisho(INO)- Ururka Al-Shabab ayaa xilka ka qaaday horjoogihi ururkaasi ugu qaabilsanaa Gobolka Shabeellda Hoose Sheekh Maxamed Abu Cabdalla.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA Abu Cabddala ayaa shaqada laga cayriyey maalintii Axadda.

Tallaabadan ayaa wararka qaar oo aanu helnay ay sheegayaan inay la xiriirto heshiis la sheegay inuu dhexdhexaadiye ka ahaa Abu Cabdalla oo dhowaan la dhexdhigay laba beelood isla Gobolka Shabeellada Hoose.

Beel ka mid ah labada beelood ayaa la sheegay inay ka dacwoodeen qaabka dhexdhaxaadinta uu u sameeyey Abu Cabdalla.

Gobolka Shabellda Hoose waa gobolka istiraatiji ah, waxaana bilihii ugu dambeeyey kusoo badanayey dhaqdhaqaaqa Al-Shabab kadib markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda ay dib uga soo gurteen degaano ka mid ah gobolka.

Xigasho: VOA

Idale News Online,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here