Muqdisho(INO)— Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bishan socdaal ku tagi doona Soomaaliya, si ay u taageeraan doorashada bisha Agosto dhici doona, sida uu sheegay Safiirka Masar u fadhiya Qaramada Midoobey ahna Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee bishan Amr Aboulatta.
15 xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale tagi doona magaalada Nairobi inta u dhaxeysa 17-21 bishan May, sidoo kale waxaa ay kulan kula qaadan doonaan magaalada Qaahira Xubnaha Ururka Jaamacadda Carabta.
“Golaha Ammaanka waxay socdaal ku tagi doonaan Soomaaliya, si ay cadaadis u saaraan doorashooyinka, waxaa u maleynayaa in doorashooyinka ay dhici doonaan bisha Agosto, waxaa isku dai doonaan inaan siino taageerada Golaha”ayuu yiri Amr Aboulata
Doorashada ka dhici doonta Soomaaliya ayaa ah tii labaad tan iyo 1991 markii xukunka laga tuuray Madaxweyne Mohamed Siad Barre, iyadoo muddo labaatan sano ay Soomaaliya ka jireen dagaalo iyo rabshado, markii u dambeeyay ee doorashada ka dhacday gudaha Soomaaliya ayaa aheyd sanadkii 2012.
Bishii la soo dhaafay Golaha Ammaanka ayaa warbixin ku saabsan xaalada Soomaaliya ka dhageystay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay fadhigii Golaha ee ka dhacay New York.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa horay uga hor-yimid muddo kordhin loo sameeyo dowladda Federaalka, iyagoo horay ugu cel celiyay inay dhacdo waqtigii loogu tala galay doorashada Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho